Madaxwayne ku xigeenka Ahlu-sunna Cabdulaahi Xirsi Diirshe Daacad ayaa qaadacay shirka din heshiisiinta ee dalka Jabuuti uga socda maamullada Galmudug iyo Ahlu suna.
Wuxuu sheegay in qaabka loo maray wadahadalka socda aanu sax ahayn, isla markaana uu ku scodo kala dhuumasho qaar ka mida madaxda Ahlu suna ay isku keli yeeleen talada, wuxuuna caddeeyay inuusan isagu ka warqabin shirka ka socda dalka Jabuuti.
Madaxweyne ku xigeenka Ahlu suna ayaa sheegay inuusan aqbali doonin wixii go’aano ah ee kasoo baxa shirka Jabuuti, maadaama uu yiri aan markii horeba laga talo gelin oo ay ahayd in markii hore wax la isku waafaqsan yahay lala tago Shirka Jabuuti.
Madaxwayne ku xigeenka Ahlu-sunna Cabdulaahi Xirsi Diirshe Daacad ayaa ayaa lagu tilmaamaa nin aan wax awood ah ku lahayn gudaha Ahlu suna oo qaab beeleed xilka loogu magacaabay.