Qoraal kasoo baxay maamulka Galmudug oo uu soo saaray madaxweynaha ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi ayaa looga hor yimid go’aankii kasoo baxay Madaxweyne Axmed Ducaale (Xaaf) ee uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Madaxweyneyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cali Casir ayaa ka hor yimid go’aanka madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyadoo taageeray go’aanka dowladda Federalka Soomaaliya ee dhexdhexaadka ah.
Galmudug ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee isku khilaafa arrintan, taasoo muujineysa in taageerada isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay isu bedeshay xaalad dhaqaale lagu helo oo kicisa xiisado siyaasadeed.
HOOS KA AKHRI