Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kashifay xaqiiqada xildhibaanadii tegay Cadaado [Akhriso]

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa shaaciyay xaqiiqada waanwaantii laga dhex waday madaxda sare ee Galmudug iyo halkii ay ka fashilantay.

Wuxuu sheegay in xildhibaannada labada aqal ee waanwaanta u tegay Cadaado ay diideen in wadahadalka lagu soo daro arrinta khilaafka ka bilowday ee ah mowqifkii uu Axmed Ducaale Xaaf ka qaatay arrinta Khaliijka.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa caddeeyay in la xiray Garoonka Cadaado, taasoo uu ku dhaqaaqay Xaaf, markii ay dalbadeen in xildhibaannada ku sugan Muqdisho ay ku soo biiraan dadaalka ay mar kale diideen, laguna xayiray Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi

Isagoo u warramay BBC-da ayuu sheegay in xildhibaannada yimid Cadaado ay ahaayeen dad wax la carraraya oo diidan iyo xildhibaannada kale ee ku sugnaa Muqdisho ay yimaadaan, wuxuuna ku eedeeyay inay diideen tallooyinkii ay u jeediyeen oo dhan.

Intii wadahadalku socday ayuu sheegay in wax badan isbedeleen oo ciidamo loo diray garoonka Cadaado, lana xiray, iyagoo ay waxba ka qaban waayeen xildhibaanadii waanwaanta waday in la furo garoonka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON