Thursday, March 28, 2024

Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Barlamanka & Xildhibaano Cadaado ka sheegay inuusan XAAF metelin

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal oo ay wehliyaan qaar ka mida Wasiiro iyo xildhibaaada Galmudug ayaa magaalada Cadaado ka sheegay in madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf aanu ku metelin shirka Baydhaba.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Cadaado ayay ku sheegeen in Xaaf aanu metelin maamulka Galmudug ee uu shaqsi ahaan uga qeyb galayo shirka Amniga Qaran magaalada Baydhaba, waxayna ugu baaqeen madaxda shirkaasi inaysan Xaaf  aanu ka tarjumeynin Galmudug.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xaaf uu olole dagaal ka wado degaano ka mida Galmudug, iyadoo dowladda Federaalka iyo beesha caalamka lagu ogeysiiyay inuu dagaal sokeeyana ka dhalan karo.

Ad

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo uu maanta shirka Amniga Qaran ee Soomaaliya ka furmay magaalada Baydhaba, iyadoo ay Galmudug uga qeyb galayaan Axmed Ducaale Geelle iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON