Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kashifay sababta daba dheereysay dagaalka Puntland kula jirto Alshabaab

Madaxwayne Ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalka ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Alshabaab, wuxuuna sheegay in meel kaliya oo ah Suuj dagaalku ka socdo, halkaasoo ah meel Tog ah.

“Xalay ayay isku dayeen inay meesha ka baxaan, ciidankeena ayay is heleen rasaas ayaana lays waydaarsaday, dabadeedna dib ayay godka ugu noqdeen, ciidankuna waa ku hareereysan yihiin..” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Camey.

Isagoo u warramay BBC-da ayuu caddeeyay in qorshahooda uu yahay inaysan baxsan oo meelna u noqon ee halkaasi lagu soo afjaro, wuxuuna qiray in Suuja ay uga dhinteen 2 askari, dhaawacuna uu yahay 7 ilaa 8 askari, dhinaca kalena ay aad u dhinteen oo khasaaraha aanay dusha ka sheegi karin, balse la qiimeyn doono oo dib ka sheegi doonaan qasaaraha gaaray kooxda.

Wuxuu madaxweyne ku xigeenka kashifay sababta daba dheereysay dagaalka isagoo sheegay in dhulka lagu dagaalamayo uu yahay mid adag oo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ka dagaalami jiray ahna dhul istiraatiiji ah, inkastoo lagu hareereysan yahay.

DHAGEYSO WAREYSIGA MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON