Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Muqdisho looga yeeray & kulamo xasaasi ah oo socda

Ku-simaha madaxweynaha Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa looga yeeray magaalada Muqdisho, isagoo maanta soo gaaray caasimadda.

Eng. Camey oo ah madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa la sheegay inay u yeereen wakiilada Beesha caalamka oo lagu wado inay cadaadis ku saaraan ka laabashada go’aankii ay uga hor yimaadeen in la dedejiyo doorashada madaxda cusub iyo shir ay Muqdisho isugu yimaadaan xildhibaanada labada Aqal.

Puntland ayaa diidmo kala hor timid qorshaha beesha caalamka ku dooneyso in 6-da Bishan ay Muqdisho isugu yimaadaan xildhibaanada la doortay si loo bilaabo diyaarinta iyo doorashooyinka guddoonka Baarlamaanka, waxayna hakisay doorashadii ka socotay Garowe iyado dooneysa inay xubno ka hesho qoondada Aqalka hore ee Somaliland.

Kulamo ay leeyihiin wakiilada Beesha Caalamka iyo wafdiga madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayaa arrimaha doorashada iyo khilaafaadka ka jira.

Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne ku xigeenka Puntland uu Muqdisho yimaado intii uu xilka qabtay, waxaana muddooyinkan danbe soo muuqaneysay inuu yahay nin awood leh oo madaxweyne Gaas la loolama.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON