Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa caawa mar kale ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey).
Xildhibannadan oo taabacsan Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa guddoomiyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, waxayna sheegeen inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, markii ay u codeysay 49 Xildhibaan.
Mas’uuliyiinta xildhibaannada Galmudug ee is khilaafsan xilka ka qaadeen, waxaa ka mida:

1 – Madaxweynaha Axmed Ducaale Geelle
2- Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir
3- Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carrabey
4- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Xareed Cali Xareed.
Galmudug ayaa dhex maquuraneysa khilaaf siyaasadeed oo keenay in magaalada Cadaado ay xildhibaanno iska horjeeda xil ka qaadis ku sameeyeen dhammaan madaxdii maamulkaasi, waxaana la filayaa in laba xukuumadood ay dhowaan kasoo baxdo halkaasi.