Robert Mueller oo ah Dacwad ooge gaarka ah ayaa ku goo’diyay in uu adeegsan doono amar maxkamadeed si uu Trump u horyimaaddo garsoorayasha baaraya kiiska Ruushka, arrintaas oo qayb ka noqon doonta baaritaanka la xiriira eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogaliyay doorashadii Maraykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.
Muller oo hogaaminaya baaritaanka eedaymahaas ayaa tallaabadaas soo jeediyay markii uu la kulmay qareennada Trump bishii Maarso. Wuxuu sheegay in amarka maxkamadda uu madaxweynaha ku qasbi doono in uu la kulmo, sida uu ku warramay wargeyska Washington Post.
Waxaa la rumaysan yahay in ay tahay markii u horaysay ee dacwad oogaha khaaska ah uu soo jeediyo macquulnimada in Trump lagu qabso in uu makhraati furo.
Markii uu kulanku dhacay bishii Maarso, Qareenka Trump ayaa ku adkaystay in madaxweynaha aysan waajib ku ahayn la kulanka baareyaasha faderaalka ah si ay wax uga waydiiyaan baaritaanka Ruushka, sida uu ku warramay wargeyska Washington Post oo soo xiganaya afar ruux oo wax ka ogayd kulankaas.
Si kastaba ha ahaatee kooxda Muller ayaa ku jawaabtay suurtagalnimada in ay adeegsan doonaan amar maxkamadeed haddii madaxweynuhu uu diido in uu la kulmo.
Waxay isku afgarteen in ay qareennada madaxweynaha la wadaagaan macluumaadka khaaska ah ee ku saabsan su’aalaha ay rajaynayaan in ay waydiiyaan madaxweynaha.
Qareenkii hore ee madaxweynaha John Dowd ayaa sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Talaadadii in Mueller uu kulankaas ku soo hadal qaday macquulnimada in uu Trump ku qasbidoono in uu su’aalaha ka jawaabo.
John Dowd ayaa iscasilay qiyaastii toban casho ka dib markii uu kulankaas dhacay. Isniintii ayuu madaxweynuhu wargeyska New York Times ku dhaliilay daabacidda in kabadan afartan su’aalood oo Mueller uu doonayo in uu waydiiyo madaxweynaha, arrintaas oo qayb ka ah baaritaanka Ruushka.
Twitterka ayuu ku soo qoray Talaadadii in ay “arrin qaab daran tahay” in saxaafadda loo dusiyo su’aalihii baaritaankaas la xiriiray”, wuxuuna intaas ku daray in ay adag tahay in caddaaladda la carqaladeeyo iyadoo aysan jirin dambi la galay”.
Su’aalaha uu Mueller rabo in uu madaxweynaha waydiiyo ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin sababta uu shaqada uga eryay Taliyihii FBI-da James Comey bishii May iyo sida uu ula dhaqmay xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions.
Mid ka mid ah su’aalaha ayaa toos u khusaysa Paul Manafort oo horay masuul uga soo noqday ol’olihii Trump ee doorashada, waxaana Trump la waydiin rabaa waxa uu ka ogyahay xiriirka uu Manafort la sameeyay Ruushka.
Mueller ayaa sidoo kale qorshaynaya in uu madaxweynaha waydiiyo suurtagalnimada in wada shaqayn ay dhexmartay ol’olihiisii doorashada iyo Ruushka, sida uu ku warramay wargeyska New York Times, oo sheegay in uu su’aalaha ka helay dad aan ahayn qareennada madaxweynaha.
Afhayeenka Aqalka Cad Raj Shah ayaa sheegay in ay “arrin aan wanaagsanayn” tahay warka wargeyska New York Times.
Dambibaaraha gaarka ah ayaa baaritaan ku haya dadaalladii uu Ruushku ku doonayay in uu ku farogaliyo doorashadii Maraykanka ee 2016kii, iyo in uu iskaashi dhexmaray Ruushka iyo ol’olihii doorashada ee Trump iyo waliba in madaxweynuhu uu si sharci darro ah isugu dayay in uu carqaladeeyo baaritaanka socda.