Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo baaritaanka la xiriira fadeexaddii Ruushka ee farogalinta doorashada Maraykanka ee uu wado guddiga madaxda bannaan ee Robert Muller.
Fariimo uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka, ayuu Trump ku tilmaamay ninka hormuudka ka ah baaritaanka ee Robert Meuller nin “gabi ahaanba iska hor imaanaya”. Wuxuuna xeer illaaliyaha guud Jeff Sessions ka codsaday in uu kala dhantaalo baaritaanka, kuna soo koobo eedeymo oo kaliya.
Trump oo wajahaya cadaadis ba’an ayaa hadalladan soo saaray xilli warbaahinta Maraykanka ay kasoo xigatay kaaliyeyaasha Trump in laga yaabo in Mueller uu warbixintiisa waxyaabihii baaritaanka uga soo baxay uu u gudbin doono madaxweynaha dhawaan.
Waxa uu Trump si gaar ah uga gilgishay dacwadda ku socota agaasimihii ololaha doorashadiisii Pau Manafort, kaas oo maalinkii labaad dhagaysiga dacwadiisa ay maxkamad ka socoto.
Afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa mar sii dambeysay sheegtay in fariimaha madaxweynaha ee Twitter-ka aysan ahayn amar madaxweyne.
Inkasta oo aysan wax cusub ahayn hadalka caroda leh ee Trump, haddane waa markii ugu horeysay oo si toos ah ugu baaqo xeer illaaliyaha guud in uu eryo Robert Mueller. Waxaa kale oo jirta in dacwadda lagu hayo Manafort ay lugaha lasii galayso xubno ka mid ah qoyska madaxweynaha, gaar ahaan wiilkiisa iyo wiilka uu sodogga u yahay.
Balse sharci ahaan Jeff Sessions, xeer illaaliyaha guud, shaqada kama eryi karo Mueller maadaamaa uu horey isaga reebey ku lug lahaanshaha baaritaanka oo dhan.
Inkasta oo Trump uu amar dul dhigi karo laanta garsoorka Maraykanka oo ka mida laamaha fulinta, haddana muddo dheer waxaa jiray olole loogu jiray in ay laantan ka madax banaanaato farogalin siyaasadeed.