Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Trump oo faragelin ku sameeyay dalka K/Afrika una dooday Caddaanka dalkaasi

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo faragaleiyay arrimaha gudaha dalka K/Afrika, isagoo u doodaya dadka caddaanka ah ee dalka Koonfurta Afrika.

Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayuu ku dooday in xaaladda ka taagan dalka Koonfur Afrika ee ku saabsan isbaddallada lagu samaynayo shuruucda dhulka, ay tahay mid lagu boobayo dhulka dadka Caddaanka ah leeyihiin.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Mike Pompeo uu ka dalbaday in uu u kuurgalo arrintaas iyo “dilalka baaxadda leh ee beeralayda loogu gaysanayo dalka K/Afrika”.

Hadalka Trump ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa uu ka jawaabay su’aal baarlamaanku ay ka waydiiyeen barnaamijka dib u qaybinta dhulka oo la soo hor dhigay xildhibaannada Koonfur Afrika.

Dawladda Koonfur Afrika ayaa hadalka Trump ka hor timid waxayna ku sheegtay mid dadka kala qaybinaysaoo cunsurimo ah. Trump ayaa caan ku ah taageerada caddaanka xagjirka ah ee cunsuriyadda ku dhaqma.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON