Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bedelay go’ankiisii hore ee ku saabsanaa lacag la siiyey laba haween oo jirkooda ka ganacsada, kuwaasoo sheegay inuu la seexday Donald Trump xilligii ololaha doorashadana la siiyey si ay u aamusaan.
Trump ayaa hadda sheegaya inuu isagu jeebikiisa ka bixiyey lacagta uu siiyay labada haween eeo uu la seexday, balse aanay ahayn lacagtii ololaha doorashada, wuxuuna ku doodayaa inaysan jebineynin jabinaysa sharciga ollolaha doorashada Maraykanka.
Hadalkan ayuu sheegay kadib markii garyaqaankiisii hore Michael Cohen uu qirtay inuu lacag siiyay labo dumar ah wax yar ka hor doorashadii 2016-kii, si ay u aamusaan, wuxuuna sheegay inuu lacagta ku bixiyay amarka Donald Trump.
Wareysi uu siiyay barnaamijka Fox & Friends oo ka baxa taleefishinka Fox News, ayuu sheegay in lacagta ay ka timid jeebkiisa, oo aysan ka iman lacagta ololaha loogu talogalay oo ay mamnuuc tahay in hawlo ka baxsan ololaha lagu sameeyo.
Marar badan oo hore ayuu Trump beeniyay in wax lacag la bixiyay, mar kalena wuxuuba sheegay inay lacagta jirtay, balse wuxuu sheegay in uusan ka war heynin markii lacagta la bixinayay, hadda wuxuu si cad u qirtay in lacagta uu isagu bixiyey ay tahay mid shari ah
Mar ayuu Cohen ku eedeeyay in uu yahay beenaale, sheekooyinka abuuraya. Cohen ayaa bishii lasoo dhaafay faafiyay cajalad uu ka duubay Trump oo ay ka wada hadlayaan lacagta dumarka la siinayay.
Ninkan waxa uu Trump qareen u ahaa wax ka badan 10 sano, wuxuuna qirtay in uu lacago siiyay labo dumar ah oo loo malaynayo in ay kala yihiin Stormy Daniels iyo Karen McDougal.
Sharciga Maraykanka waxa uu qabaa in lasoo sheego lacag kasta oo lagu bixiyo in lagu saameeyo codbixinta.