Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Trump oo si lama filaan ah xilkii uga qaaday Xeer ilaaliyihii Guud ee Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah xilkii uga qaaday xeer ilaaliyihii guud ee dalkaasi Jeff Sessions.

Xil ka qaadista ayaa timid saacado kadib markii xisbiga mucaaradka ee Dimoqradiga uu la wareegay aqlabiyadda Koongareeska doorashadii dhexe ee Talaadaadii ka dhacday dalkaasi, waxayna ka dambeysay markii uu Trump ka codsaday xeer ilaaliyaha inuu is-casilo, waxaana xilka si KMG ah u sii heyn doona kaaliyihiisii Matthew Whitaker.

Xil ka qaadista xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka oo ahaa mas’uulka dusha kala socda baaritaanka lagu hayo kaalintii uu Ruushku ku lahaa doorashadii Trump ee 2016 ayaa abuureysa shaki weyn oo ku saabsan in looga hortegayo baritaanka uu wado guddiga madaxda bannaan ee uu guddoomiyaha u yahay Robert Muller.

Saameynta doorashadii xilliga dhexe ayaa ku bilaabtay madaxweyne Trump, waxaana si weyn tallaabadan uga hor yimid mudanayasha Koongareeska ee xisbiga Dimoqraadiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON