Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Trump oo weji gabax kala kulmay eedeyntii uu u jeediyay Brack Obama

Agaasimaha guud ee FBI-da James Comey aayaa beeniyay sheegashada Trump ee ka dhanka madaxweynihii hore Barack Obama.

Wuxuu Obama ku eedeeyay inuu amray in telefoonkiisa la duubo ka hor intuusan doorashada ku guuleysan, sida warbaahinta Mareynka ay ku waramayaan.

Mr Comey ayaa weydiistay waaxda cadaaladda ee Mareykanka in si cad ay u beeniyaan sheegashada Donald Trump, sida ay baahiyeen New York Times iyo NBC.

Wuxuu Comey sheegay inuu dalbanayo in arrinta la saxo, sababtoo ah “waxay muujineysaa in FBI-da ay jebiyeen sharciga”.

Agaasimaha FBI ayaa aaminsan yahay in Trump uusan hayn cadeyn uu ku xoojiyo eeda uu Obama u jeediyay.

Mr Comey wuxuu sheegay inaysan jiran cadeyn loo hayo eedaha Trump uu soo jeediyay
Mr Comey wuxuu sheegay inaysan jiran cadeyn loo hayo eedaha Trump uu soo jeediyay

In agaasimaha FBI-da uu canaanto madaxweyne talada haya waxay muujineysaa in cadaadis uu ka heysto Xisbga Dimoquraadiga, waxaana madaxweyne Trump oo doonayay inuu indhaha dadka ka weeciyo shakiga weyn ee ku xeeran xiriirkii uu la lahaa Ruusha uu hadda u muuqdaa inuu fadeexad kale ku dhex dhacay isagoo eed been abuur ah ku weeraray madaxweynihii ka horeeyay.

Baaritaaanno is barbar socda

Madaxweynaha Trump oo kasoo jeeda Xisbiga Jamhuuriga, wuxuu wajahayaa baaritaan aan caadi ahayn oo la xiriira faragelinta Ruushka uu “kaga helay taageerada” ololihiisii doorashada.

Wuxuu haddana markale wajahayaa inuu cadeeyo eedaha uu Obama u jeediyay ee ah in sanadkii tagay telefoonkiisa la dhageystay.

Warbaahinta New York Times iyo NBC wararka ay baahiyeen waxay ku soo aadayaa xilli Aqalka Cad uu Congress-ka ka codsaday inay baaraan in maamulkii Obama uu awooda si xun u adeegsaday.

Hadda FBI-da iyo Congress-ka waxay baarayaan xiriirkii u dhexeeyay kooxdii Trump u qaabilsaneyd ololaha iyo saraakiil Ruush ah.

Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa horey u sheegay in Ruushka uu farageliyay doorashada si uu Trump uga caawiyo inuu ku guuleysto doorashadii uu kula tartamay Hilary Clinton.

Mr Trump ayaa Axaddii ku noqday Aqalka Cad ka dib safarkiisii Florida
Mr Trump ayaa Axaddii ku noqday Aqalka Cad ka dib safarkiisii Florida

Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer, wuxuu sheegay in “dhibaatooyiin badan ay jiraan ooka dhashay baaritaanno ay siyaasad ka dambeyso oo bilowday waxyar ka hor doorashadii 2016-kii”.

Devin Nunes oo ah gudoomiyaha Jamhuuriya ee guddiga sirdoonka wuxuu warbixin ku sheegay in ay “baarayaan haddii dowladda ay dabagashay axsaabta siyaasadda ololahooda iyo saraakiishooda”.

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON