Sunday, December 15, 2019
More

    Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Hal Shardi ku xiray inay Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya [Akhriso]

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyey xilliga ay ciidamada dalkiisa ka baxyaan Soomaaliya, kadib khudbad uu ka jeediyey xaflad ay ku qalin jebiyeen ciidamo tababar saddex sano ay soo dhammeystay akadeemiyada ciidamada ee degaanka Lanet. magaalada Nakuru.

    Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay joogi doonaan Soomaaliya intalaga adkaaanayo Ashabaab, meeshana laga saarayo. “Si looga guul gaaro ujeedadeena iyo tan beesha caalamka, ciidamadeenu waxay kasii mi ahaan doonaan howlgalka AMISOM ilaa inta la gaarayo xilliga lasoo afjaro ujeedadii laga lahaa..” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

    Ad

    Wuxuu sheegay in ciidamada in tababarka ciidamada uu ahaa mid loo tababarray inay ka hortagaan qatarta argixisada ee ka baxay xuduudka Kenya, wuxuuna intaas raaciyey in meel kasta looga daba tegayo kooxaha argagixisada ee xiriirka la leh dembiilayaasha caalamiga ah.

    Ciidamada Kenya ayaa sanadkii 2011 u tallaabay xuduudka Soomaaliya iyagoo markaas sheegay inay ka hortagaan halista Alshabaab ku heyso amniga dalkooda, waxaana markii dambe lagu daray ciidamada AMISOM.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,740FansLike
    1,345FollowersFollow
    3,609FollowersFollow
    131,735FansLike
    1,345FollowersFollow
    3,609FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!