Tuesday, July 15, 2025

Madaxweyne Xaaf oo Eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya, kana hadlay khilaafkii madaxda Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay gacan bidixeysay, isla markaana aysan wax dhaqaale ah siin maamulka Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in dhaqaalihii beesha caalamka ay isbaaro u dhigatay beesha caalamka, haddana aysan dowladda Soomaaliya wax taageero ah siin maamulka Galmudug, wuxuuna ugu baaqay dadka reer Galmudug inay isku tashadaan.

“Dowladda Federaalka aad ayeey inoo gacan bidixeysay, wax mucaawino ah kama hayno, dhaqaale kama hayno, hadda ka bacdi yeenaan ku tashan ee aan isku tashan, aan ka shaqeyno sidaan canshuur u uruurin lahayn, sidaan dib u dhis u sameyn lahayn, haddi beel caalam ka timid dowladda federaalka ayaa dhexda u joogta , noomana gacan furna” ayuu yiri Xaaf oo laba bilood kadib ku laabtay Dhuusamareeb.

Wuxuu ka hadlay waanwaantii laga dhex waday madaxda Galmudug ee ka socday magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inaan wax horumar laga gaarin, laakiin ay sii wadi doonaan wadahadalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON