Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Xaaf oo Gaalkacyo ka sheegay in dowladda Federaalka weli dagaal kula jirto Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu laabtay magaalad Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kadib markii uu socdaal ku tegay dalka Kenya.

Isagoo saxafiyiinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay in wali Dowlada Federaalka ay weli dagaal kula jirto maamulka Galmudug, iyadoo aan waxba ka fulin heshiisyadii la gaaray, wuxuuna ku eedeeyay inay cunaqabateyn u gaara ku heyso maamulkiisa.

Wuxuu sheegay in maamul goboleedyada aanay wax kharashaad ah ka helin dowladda dhexe 8-dii bil ee lasoo dhaafay, isagoo sheegay in caalamka u sheegayaan kharashaadkii ay soo dhiibeen in aanay ka helin dowladda.

Madaxweyne Xaaf wuxuu ugu ugu baaqay shacabka Galmudug iney isku tashadaan, kana maarmaan dowladda dhexe ee Federaalka oo uu sheegay inay si gaara u beegsaneyso Galmudug.

Dowladda Somalia lacago mashaariic iyo dhaqaale ay siin jiryay u fasaxday maamullada Jubbaland iyo Hirshabelle, iyadoo dhinaca kale xayiraad weli saaran tahay Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON