Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shaaciyey inuu hakiyey xiriirkii wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in Galmudug ay joojisay xiriirkii wada shaqeynta ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo arrimaha muhiimka ah ee la isku khilaafsan yahay oo kala ah; dhammeystirka Dastuurka, Doorashooyinka, federaaleynta iyo Amniga Qaranka.
Arrintan ayaa ka danbeysay qoraal noocan oo kale ah oo maamulka Puntland uu u diray beesha caalamka toddobaadkii hore kaasoo lagu sheegay inay hakisay xiriirkii dowladda Federaalka, waxaana muddooyinkan dambe isku mowqif noqday Puntland iyo Galmudug qeybta uu hoggaamiyo Madaxweyne Xaaf.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

