Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay inuu dhammaanday khilaafkii ka dhashay go’aanki uu ka qaatay arrimaha Khaliijka iyo socdaalkiisii dalka Imaaraadka Carabta.
“Khaliijka sidii aan u aaday iyo sidii loo fahmay baa kala duwanaa. Anigu waxaan u aaday nimankaa gobolkayaga waxba may tarin, sanadihii hore. Gobollada kale wixii ay tareen oo kale inay na taraan oo ciidamada noogu dhisaan xarumo iyo iskuulo inay nooga dhisaan degmooyinka. Shaqo badan bay ka qabteaan gobolada kale, gaadiid bay siiyaan. Anagu marka waan qatanayn.” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf oo wareysi siiyay VOA-da
Wuxuu sheegay in ujeedkiisu ahaa sidii degaanada Galmudug taageero u heli lahaayeen. “Anigu meesha waxaan u aaday wax kale maaheynee waxay ahayd anagu waan qatanahayee dee qaybkayagii na siiya, gobolada kale wax waa sii seynee.” Ayuu yiri Xaaf.
Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Somalia ay deeggaanada Galmudug safar dhulka ah ku soo mareen, ayna ku guuleysteen inay dib-u-heshiisiin dhex-dhigaan beello xurgufo ay ka dhaxeeyaan oo ku nool deeggaanada Galmudug.
Wuxuu intaas ku daray in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla oggolaadeen in degmada Cadaado ay sii ahaato xarunta baarlamaanka Galmudug, kadib markii ay sidaas codsadeen dadka degan Cadaado.
DHAGEYSO WAREYSIGA