Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xaaf oo shuruud hordhigay Shirka Garowe ee Madaxda Dowladda & Maamul Goboleedyada.

Iyadoo shirka madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ee ka socda magaalada Garoew uu galay maalintii labaad ayaa waxaa soo baxaya qodobo la dooday arrimo horyaalla shirkaasi oo caqabad ku ah in heshiis lagu gaaro.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa lagas oo xigtay inuu Shirka Wada-tashiga Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada uu hordhigay shuruud adag oo ah in marka hore la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo Galmudug, inta aan si buuxda loo guda gelin wadatashiga arimaha masiiriga ah sida Aminga qaranka, hannaanka Doorashada iyo Qeybsiga kheyraadka.

Madaxa dowladda Federaalka ayaa colaadin siyaasadeed muddo dheer kala horjeeday madaxweyne Xaaf, taasoo keentay inay taageeraan Garabka Galmudug ee fadhiya magaalada Cadaado, waxaana arrintan ay keentay in dowladda Federaalka ay joojiso dhaqaalihii ay siin jirtay Galmudug iyo mashaariicdii degaanadaasi loogu talogalay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON