Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Xaaf oo Weerar kulul ku qaadaya Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisal wasaare Kheyre [War-saxaafadeed cusub]

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa dawladda Federaalka ku eedeeyay inay faragelin ku heysto maamulkiisa.

Qoraal uu soo saaray ayuu uga digay faragelin maamulkiisa uga timid dowladda dhexe, iagoo soo qaatay qodob ka mida Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo dowladda Federaalka ku waajibinaya inay la tashato maamullada dalka.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii ay maanta magaalada Cadaado qoraal kasoo saareen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi oo ka hor yimid, kuna gacan seyray go’aankii xalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf ee uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA CUSUB EE XAAF

Dawlad Goboleedka Galmudug waxay mar kale ku celinaysa mowqifkeeda ku aadan go’aanka ay ka qaadatay khilaafka dawladaha Khaliijka u dhaxeeya.

Dastuurka ku meelgaarka ah qodobkiisa 53 aad wuxuu dhigayaa in 

1. Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.

2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad- goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

3. Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeedana ka muuqtaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Dawlada Federaalka ah kuma salayn go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka xiriirka soo jireenka ah iyo danta joogtada ah ee kala dhaxaysa Dawladaha Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn. Taa bedelkeeda waxay ka doorbiday in ay taageerto Dawlada Qatar oo taageerta kooxaha aragagexisada ah, iyadoo loogu aabul naqayo qarashkii ay ku bixisay doorashada Madaxweyne Farmaajo ee uu garwadeenka ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha Mudane Fahad Yaasiin. Waxaana go’aanka u qaadanay in aan ilaalino xiriika Istiraatiiji iyo kan diblomaasiyadeed, danaha Ganacsi iyo kan Diineed ee Soomaaliya kala dhexeeya dawladaha afarta ah.

Waxaan uga digaynaa Dawlada Federaalka faragelinta qaawan ee ay ku hayaan maamulka Galmudug. Waxaa wax laga xumaada ah in ay Galmudugu la soo dhexgalaan kala qoqobid iyo caadifad qabiil. Galmudug uma dulqaadan doonto faragelinta iyo dhiilada qabiil ee ay Madaxweynaha iyo Raysal wasaaruhu horay ugula kaceen Hirshabelle.

Waxaan ugu baaqaynaa Siyaasiyiinta, Odyaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, iyo Culimada kasoo jeeda Galmudug in ay meel uga soo wada jeestaan si wadajir ahna uga hortagaan daandaansiga iyo dhiilada lagu hayo Shacabka Iyo Dawlad Goboleedka Galmudug.

Dhamaad 
Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON