Wednesday, July 2, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Beelaha diidan baarlamaanka Jubba ha iska sabraan”

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo qeyb galay xaflad magaalada ka dhacay oo lagu caleemo saarayay Baarlamaanka Jubba ee muranka badani ka taagan yahay ayaa ku tilmaamay dhismaha baarlamaankaasi tallaabo horumar ah oo hore loo qaaday, isagoo dowladiisa sheegay inay ku tallaabsatay hirgelinta federaalka.

Khubad uu ka jeediyay xafladii maanta ee Kismaayo ayuu madaxweynuhu ayaa dadka diidan baarlamaanka Jubba ku booriyay inay iska samraan oo aanay eegin waxa ay maanta doonayaan balse ay eegaan mustaqbalka.

xasansh

[ad name=”HTML”]

Madaxweynaha Xasan Sheekh wuxuu maamulka Jubba ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo ugu baaqay inay  tanaasul sameeyaan kuna dadaalaan inay dhageystaan caqabadaha jira xalka u raadiyaan. Wuxuu qiray Xasan Sheekh inay jirto cabasho laga qabo baarlamaanka Jubba oo beelaha qaarkood ay muujiyeen, “Waxaa loo baahan yahay in maamulka Jubba ay xaliyaan cabashooyinka, ayna qanciyaan dadkaasi” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka muuqatay in dowladiisa ka tanaasushay doorkii ay ku lahayd inay hubiso in si xaq iyo cadaalad ah beelaha Jubba u qeybsadaan saamiga ah ku leeyihiin maamulka Jubba, doorkaas oo uu siiyay isla maamulka Jubba oo beelo badani ka eed sheeganayaan.

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON