Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dagaalka Alshabaab ka wado Puntland, wuxuu la mid yahay dagaalada gobollada kale..”

Madaxweyne Xasan Sheekhoo ka hadlay dagaalka Alshabaab ka wado Puntland

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada Alshabaab ku qaadeen maamulka Putnland, wuxuuna sheegay in dagaalka ay wadaan Alshabaab ka wadaan deegaanada goboleedka Puntland aysan ka duwaneyn kuwa ay ka wadaan gobollada kale ee dalka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay gabagabada shir ku saabsan hanaanka loo marayo dhismaha dowladaha Hoose ayuu Xasan Sheekh ka sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab aysan lahayn qabiil gaar ah ama cid ay ka soo jeedaan, wuxuuna Soomaalida ugu  baaqay inay hal meel ugaa soo wada jeestaan dagaalka Al-Shabaab.

“Dagaalka Alshabaab  ka wadaan Puntland dowlad ahaan noogama duwana kuwa ay ka wadaan gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo goboladda kale, dowladdu wax kasta oo ay kari karto way kaga qeyb qaadaneysaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo caddeeyay inay bogaadin mudan yihiin shacabka  Puntland sida ay ugu midoobeen la-dagaallanka Al-Shabaab, wuxuuna intaas ku daray in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin, wuxuuna saadaaliyay in laga guuleysan doono Al-Shabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON