Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beri Kismaayo u tegaya xiisad ka dhalatay Ra’iisal wasaaraha cusub (Xog)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta beri ah ee Khamiista ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ah ee Jubba, Safarka madaxweynaha ayaa wararka laga helayo madaxtooyada sheegayaan inuu ka dhashay xaalad ka dhalatay magaacidda Cumar C/rashiid loo magacaabay Ra’iisal wasaare.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Maamulka Jubba iyo Beesha Axmed Madoobe kasoo jeedo ayaa hore looga balan qaaday in jagadaasi loo magacaabi doono, waxaana loo xulay wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane oo marar badan ku talogalay kuna seexday inuu yahay ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Waxay arrintii is bedeshay waqtiyadii ugu danbeeyay kadib markii culeyso kala duwan la saaray madaxweynaha iyo kooxdiisa.

Maamulka Jubba iyo Beesha Axmed Madoobe iyo Xuseen Cabdi Xalane oo si weyn uga carooday inuu madaxweynaha balamo badan uga baxay kana tirsanaya dhibaatooyin is biirsaday ayaa keentay inuu madaxweynaha socdaal ku aado Magaalada Kismaayo maalin qura kadib markii uu ra;iisal wasaare u magacaabay Cumar C/rashiid.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu tanaasulaad badan u sameeyo beeshaasi, lana siiyo jagooyin isugu jira wasiir iyo wasiiru dowleyaal, waxaana ku wehlin doona socdaalka Faarax Sheekh C/qaadir oo ahaa ninkii ka soo shaqeeyay heshiiskii dowladda iyo Axmed Madobe ku dhex maray dalka Itoobiya.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON