Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo iska dhega tiray digniintii xildhibaanada, kuna sii jeeda Kismaayo

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tegaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, halkaasoo la filayo in lagu caleemo saaro baarlamaanka muranka badani ka taagan yahay ee maamulka Jubba loo sameeyay isagoo iska dhega tiray digniin ay soo jeediyeen xildhibaano mooshin ka keenay maamulka Jubba.

Xasan-SHeekh

Wafdiga madaxweynaha ayaa la sheegay inay qasab ku noqotay inay ka qeyb galaan xafladda caleemo saarka baarlamaanka Jubba kadib markii wasiirada arrimaha dibadda Itoobiya iyo Kenya ay  caddeeyeen inay tagayaan xafladaasi iyadoo aan wax xiriir ah kala sameyn arrintaasi dowladda Federaalka Soomaaliya ee martiqaad ka helay hogaannka Jubba.

Muranka ka taagan baarlanmaanka Jubba ayaa sii xoogeysanaya iyadoo ay shalay si cad u qaadacday maamulka Koonfur Galbeed oo sharci darro ku tilmaantay dhismaha baarlamaanka. Waxaa kaloo mooshin ka dhan ah maamulka Jubba iyo Baarlamaankiisa hadda uu hor yaallaa Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin waxaa muuqta in arrinta oo dhami ay wataan wadato IGAD.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON