Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay inuu wax ka ogyahay dacwad ka dhex taagan wasaaradda amniga gudaha iyo siyaasiyiinta xisbiyada magaalada Muqdisho.
Dacwadaasi oo hortaalla Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ku saabsan amar ay Wasaaradda Amniga ku soo rogtay hoteelada Muqdisho oo ku saabsan inaan wax shir ah lagu qaban karin hoteelada iyadoo aan marka hore fasax laga heysan wasaaradda.
Madaxweynaha oo wareysi sIiyay Tv-ga Universal ayaa sheegay inuusan xafiiskiisa ka war heynin dacwad arrintaas ku saabsan, dadkuna xaq u leeyihiin inay shiraan oo ay ka mid tahay xuquuqdooda asaasiga ah, laakiin wuxuu intaas ku daray in arrimo amni ay jiri karaan.
Siyaasiyiinta iyo musharixiinta ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu isagu wato olole doorasho isla markaana uu siyaasiyiinta kale u diiday inay shiraan.
DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA
Goobjooge.com