Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray ayaa caawa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa ka qeyb gelaya Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, halkaas oo la sheegay inuu khudbad ka jeedin doona, isagoo dalalka xubnaha ka ah Golaha warbixin ka siin doona xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.
Xasan Sheekh ayaa ujeedka ugu weyn ee sfarkiisu yahay inuu dalalka Golaha Amniga ku qanciyo sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa labaad ee dagaalka Alshabaab.
Waxaa kaloo la filayaa Xasan Sheekh uu kulammo la yeesho masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda Hay’adaha caalamiga ah.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmduug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa u ambabaxay waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu kusoo gudan doono waajibaadka Xajka.