Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda dalka Eritrea oo socdaal rasmi ah uu ku aadi doono lugtii saddexaad ee safarradiisa dibadda.
Safarkan oo ah mid si weyn loo sugayey ayaa arrinta ugu weyn ee keentay ay tahay Kiiska ciidamada Soomaalida ee ku maqan dalkaasi oo tiradoodu gaareyso 5000 askari, kuwaas oo dowladii Farmaajo ay si qarsoodi ah u geystay Eriteria, mugdi badanna uu ka jiray kiiskooda.
Waalidiinta caruurtaasi ayaa bannaanbaxyo ka dhigay Muqdisho iyo Gobollada Dalka, waxayna dalbanayeen muddo ka badan 2 sano in loo soo celiyo caruurtooda, laakiin waxaa arrintaasi dhegaha ka fureysatay dowladii Farmaajo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga sugayaa inuu furdaamiyo kiiska askartan oo ah mid ka mida arrimihii ugu waaweynaa ee muranku ka taagnaa, waxaana uu wadahadallo la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwrki.
Farmaajo ayaa markii ugu horeysay arrinta ciidamadan ka hadlay xafadii uu xilka ku wareejiyey, isagoo sheegay in 5000 askari oo lagu tababarray dalka Eritrea ay diyaar u yihiin dowladda Soomaaliya.