Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyay Baydhaba iyo Farriin uu kasoo diray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta Maamulka K/Galbeed Soomaaliya, iyadoo uu yahay socdaalkii ugu horeeyay ee uu Muqdisho uga baxo intii la doortay 15 May 2022.

Waxaa Garoonka magaalada Baydhaba kusoo dhoweeyay madaxweynaha k/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, wasiiro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta labada Gole ee tagay halkaasi iyo dadweyne fara badan, oo soo dhoweyntiisa loo diyaariyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa safarka ku wehliyay wasiirka sii haya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana kasii horeeyay agaasimaha Madaxtooyada iyo xildhibaanno.

Xasan Sheekh oo farriin kasoo diray magaalada Baydhaba markii uu gaaray ayaa yiri: “Waxaa sharaf weyn ii ah inaan dib ugu soo laabto magaalada Baydhabo. Waxaan u mahadcelinayaa maamulka & maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida wanaagsan ee ay noo soo dhaweeyeen. Qaran midaysan, nabad ah, isku xiran oo barwaaqo ah waa inaynu ku dadaalno sidii aynu u wada dhisan lahayn. Soomaaliya oo heshiis ah dunidana Heshiis la ahah iyada iyo caalamkaba.”



NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON