Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo maalmo yar ay ka harsan yihiin muddo Bil ah oo ay tahay in lagu magacaabo xilkaasi.
Xilka Ra’iisal wasaaraha ayaa ah shaqada ugu adag ee laga sugayo Xasan Sheekh, waxaana qofka xilkan qabanaya la filayaa inuu Madaxweynaha ku doorto sida ay isula shaqeyn karaan iyo inuu daacad u noqdo.
Shaqsiyaad badan ayaa lagu hadal hayaa Baraha Bulshada, waxaana qaarkood dhacday in la baahiyo in xilkaba loo magacaabay, waxaana siyaasiyiintaasi ugu horeeyaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo saaxiibada uu ku leeyahay Baraha bulshada ay olole ugu jiraan in xilkaasi loo magacaabo.
Waxaa kaloo miiska saaran siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo uu ka mid yahay guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka madaxa bannaan ee Puntland iyo xubno kale.
Khilaafaadkii adkaa ee dhex maray Xasan Sheekh iyo labadii Ra’iisal wasaare ee uu soo magacaabay xilligii uu ahaa madaxweynaha 8-aad ee Soomaaliya, waxay meesha ka saarayaan rajada in xilkaasi loo magacaabo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxaase rajadiisa xoojinaya shuruudaha ku xiran jagaadan.
Dhinaca kale kooxda taageerta Xasan Sheekh ayaa olole ugu jirta in la magacaabo Ra’iisal wasaare damaanad leh oo aan ka hor imaaneynin Madaxweynaha, taasoo si loo helo ay adag tahay.
Ilaa 10 siyaasi oo u badan kuwa kasoo jeeda Puntland ayaa la sheegay inay miiska u saaran yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la saadaalinayaa inuu maalamaha soo socda ku dhawaaqo qofka uu xilka Wasiirka koowaad u xushay.