Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay & Ra’iisal wasaaraha oo khudbad ka jeedinaya Golaha Guud.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeyb galay shirkii xarunta Qaramada Midoobay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha

Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), wasiiro iyo xubno ka tirsan labada gole. Intii uu ku sugnaa dalka Mareykanak wuxuu Madaxweynaha ka qeyb galay  70-aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay, iyo shirar uu la yeeshay  madax ay ka mid yihiin Ra’iisulwasaaraha dalka UK David Camaron.

Wuxuu kaloo ka qeyb galay shir caalami ah oo looga hadlayay la dagaalanka kooxaha argagaxisada caalamka kaas oo uu soo qaban qaabiyo madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama.

Dhinaca kale Waxaa NewYork gaaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo isagu khudbadii Soomaaliya ka jeedin doona Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, arintaas oo labada mas’uul ay hore isula meel dhigeen.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON