Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in colaadda magaalada Gaalkacyo ay soo jirtay muddo hal qarni ka badan oo aanu ahayn dagaal cusub.
Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Jen. Ceydiid ee 1993 lagu dhameeyay colaadii sokeeye ee Gaalkacyo iyo heshiiskii 1960-kii ee Imaam Cumar hoggaaminayay.
Wareysi uu siiyay telefishanka Universal ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu beeniyay in dowladda Federaalka ay ku lug leedahay dagaalka Gaalkacyo, kaddib eed au u soo jeedisay Maamulka Puntland.
“Meel ay dowladda colaad ku hurisay ma irto, wax door ahna kuma lahan, cid ay qalbiga kala jirto dowladda Soomaaliya ma jirto, dhowr jeer ayaa ka codsanay in dagaalka la joojiyo, waxaa ka shaqeynay heshiiskii December oo Beesha Caalamka goob joog ka aheyd” ayuu yiri Madaxweynaha.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u soo cusboonaado colaada Gaalkacyo ay sabab u tahay dib u dhac ku yimid dhaqan gelinta heshiiskii December.
Goobjooge.com