Friday, June 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safiirka cusub ee dalka India ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee SoomaaliyaXasan Sh Maxamuud ayaa Maanta waxaa uu warqadihiisa Aqoonsiga ka gudoomay Safiiradda dalka India Soomaaliya  u fadhin doono. Waxaa uu Madaxweynuhu kulan la yeeshay Safiirada iyo Masuuliyiin kale oo Dalka India ka socday kuwaas oo uu ku qaabilay Madaxtooyada Dalka.

Markii Safiirada laga gudoomay Warqadaheeda Aqoonsiga ayaa waxaa Saxaafada lahadlay Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya C.Salaan Cumar Hadliye kaas oo sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan Safiirka India ee Soomaaliya .

Safiirka Dalka India ee Soomaaliya Sushetra Durai ayaa waxaay sheegtay in ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya waxyaabo badan gacan ka siiyaan  ayna ku  farax santahay xilka loo soo magacaabay.

Sanadihii danbe ayaa Dalka waxaa ka furmayey Safaaraddu ay leeyihiin Dalalka Caalamka qaar kamida, waxaana Dadka arimaha Siyaada u dhuul duleele waxna falanqeeya ay sheegeen in Dalka Soomaaliya uu hada sara u kac wanaagsan ka sameeyey dhanka Siyaasada Arimaha Dibada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON