Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sanad kadib u yeeray Midowgii Musharixiinta

Madaxweyne Dowladda Federalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la-tashi ah ugu yeeray Midowgii Musharixiintii xilka Madaxweynaha oo uu ka mid ahaa isbaheysigii ay uga horjeedaan Madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa ku timid markii uu kulan dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kulankaas oo diiradda lagu saaray xaaladda dalka iyo go’aanadii Golaha wadatashigha Qaran ee ku saabsanaa Doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka.

Qoraal kasoo baxay siyaasiyiin u badan Midowgii Musharixiinta ee uu ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu cambaareeyay go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran, arrintaas oo muran iyo diidmo badan dhalisay.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu ka shaqeyn doon kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Musharixiintii ay saaxiibada ahaayeen xilligii Doorashada oo muddo sanad ka badan aysan is arag.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON