Sunday, June 22, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay inuu sida Shabaab ula dagaalamayo Musuqmaasuqa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay Musuqmaasuqa ka dhex jira Hay’adda Dowladda Soomaaliya, isagoo shaaciyay in Dadka Musuqmaasuqa ku kaca la mid yihiin Alshabaab.

Isagoo munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa darteed shacabka Soomaaliyeed la hadlayay ayuu Madaxweynuhu sheegay caqabadaha curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed oo Musuqmaasuqu ugu horreeyo.

“Dadka Soomaaliyeedow ogaada, Alshabaab ka na qarxinaaya iyo kan tuugga ah ee canshuurta xadaaya nooma kala sokeeyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo caddeeyay inay dagaal la wada geli doonaan.

Ad

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray Dadka Soomaaliyeed ay heleyaan dowladnimo dhammeystiran, isku filnaan iyo nolol wanaagsan oo sharaf iyo karaamo leh markii la ciribtiro musuqmaasuqa.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo uu xowli ku socdo howlgal lagu xirxirayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo baaritaan Musuq ku socdo, kuwaasoo ilaa hadda gaartay xariga agaasime guud iyo agaasime waaxeedyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON