Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay warar la isla dhex maryay muddooyinkan badan oo ku saabsan kaalinta Imaaraadka Carabta ee dib u doorashadiisa.
Xasan Sheekh oo galabta kormeer ku tegay dhisme ka socda xarunta Isbitaalka Sheekh Sayid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin haddaladda maalmihii dambe socday ee ku saabsan in Imaaraadka carabta ay diidan tahay in dib loo doorto isaga oo ay wadato musharax kale.
Wuxuu sheegay In dalka Imaaraadka Carabta uu yahay dal taageero weyn siiya Soomaaliya la garab istaagay kaalmo dhinac waliba leh oo aysan u qalmin in wararka noocaasi ah laga faafiyo.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowaanahan la sheegay inay si toos ah ugu lug leedahay Doorashada Soomaaliya isla markaana ay wadato musharaxiin kasoo horjeeda in dib lo doorto Xasan Sheekh.
Goobjooge.com