Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.
Socdaalka ayaa la xiriira shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Adis ka dhacaya oo Soomaaliya u metelayo madaxweynaha xilka sii haya ee Xasan Sheekh, waxaana hore halkaasi ugu sugnaa wafdi kale oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda C/salaan Hadliye Cumar.
Shirka Madaxeeedka sanadlaha ah ee Midowga Afrika ayaa ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya galeyso Doorashada madaxweynaha oo dhaceysa 8-da Febraayo, waxayna tani soo afjartay warar la isla dhex maryay oo ahaa inuu Soomaaliya shirkaasi u meteli doono wasiirka arrimaha dibdda.
Goobjooge.com