Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray caleemo-saarka Ugaaska Xawaadle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta si rasmi ah loogu caleema saaray magaalada Beled Wayne ee gobolka Hiiraan.

“Caleema saarka Ugaas Xasan waa mid muhiim u ah arrimaha dhaqanka iyo dib u heshiisiinta, iyo weliba dadaalka guud ee dib loogu dhisayo Soomaaliya. Waxan aaminsanahay in khibradda iyo waaya aragnimada Ugaaska ay sahli doonto gudashada waajibaadkiisa, anigoo ku kalsoon inuu yahay ruux waxqabadkiisa laga faa’iideysan doono “, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay soo dhoweyneyso caleema saarka Ugaaska beesha Xawaadle, isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

———————-DHAMMAAD————-

Akhri” Daawo sawirrada caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON