Sunday, June 22, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warbixin siiyey Guddiga Waalidiinta Askarta ku maqan Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-wareysi ah la yeeshay Guddiga Waalidiinta askarta ku maqan dalka Eritrea ee ka mida Ciidamada tababbarka u jooga dalkaasi, kadib socdaal uu ugu tegay soona arkay xaaladdooda.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababbarrada ay dalkaas u joogaan, wuxuuna u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay soo celinta ciidamdaaasi iyo inay dib ula midoobaan ehelkooda, si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan.”

Ad

Dhinaca kale, waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.

Madaxweynaha ayaa la arkayey isagoo la ilmeynaya saameyn ay ku yeelatay hooyo ka mid ahayd Guddiga waalidiinta oo si toos ah ula hadashay iyo xaaladda wiilkeeda ku maqnaa dalka Eritrea.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON