Sunday, June 22, 2025

Xasan Sheekh oo socdaalkii Afraad ee Dibadda isu diyaarinaya iyo Dalalka uu kusii jeedo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisii afraad ee uu dibadda ku aado la filayaa inuu Berri ku tego magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumaad ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo la filayey inuu xilli hore booqdo dalkaasi, balse wuxuu ku hormaray dalalka Imaaraadka, Turkiga iyo Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Kenya qaadan doono muddo labo maalmood ah, iyadoo la filayo in xiriirka labada dal oo xumaa xilligii Farmaajo dib loo soo celiyo.

Ad

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tegaya dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo ka mida dalalka deriska lah Soomaaliya, isla markaana ciidamo ka tirsan ATMIS ay ka joogaan dalka.

Wa socdaalkii afaraad ee Maxamed Xasan Sheekh dibadda ugu baxo ah tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha 16 May 2022, Wuxuuna xafiiska joogaa ku dhowaad muddo laba bilood ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON