Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay caasimadda & magaalada marti gelineysa Maamulka KMG ah ee Hiiraan & Sh/dhexe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caasimad maamul goboleedka KMG ah ee Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe u magacaabay magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Buuloburte ay noqoneyso caasimadda maamulka KMG ah ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe iyadoo magaalada Jowhar ay iyaduna marti gelin doonto shirka maamulka loo sameynayo labada gobol.

Madaxweynaha ayaa u muuqda inuu isagu qaatay shaqadii ay qaban lahaayeen ergada shirka kadib markii muran muddo jiitamayay lagu guuleysan waayay in hore loogu socdo shirka maamul u sameynta labada gobol.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA MADAXWEYNAHA


 

XEER MADAXWEYNE LR. 86                    TAARIIKH: 19/12/2015

MAGACAABIS CAASIMAD GOBALEEDKA MAAMULKA KMG AH EE HIIRAAN IYO SHABBEELLADA DHEXE

MADAXWAYNAHA J.F.S

MarkuuArkay    :  Qodobka  87aad, Xarafka ‘C’,  Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee

Dastuurka J.F.S.

MarkuuArkay    :  SharciLr. 116 eesoobaxayOgosto 6, 2013 kunasaabsansharcigamaamullada

DegmooyinkaiyoGoballadadalka

MarkuuTixgaliyey :Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda

Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

MarkuuGarwaaqsaday:  inay lagama maarmaan tahay ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo

xallinta khilaafaadyada iyo inay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalka si ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Wuxuu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2015 in Magaalada Buulaburde oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto Caasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyoS habeellada Dhexe ay yeelanayaan.

 

Qodobka 2aad

Magaalada Jowhar oo ah magaalo madaxda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa MADASHA marti-galineysa shirka maamul-dhisashada Goballada Hiiraan iyo ShabeelladaDhexe.

 

 

Qodobka 3aad

Sagaashan (90)  cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuri doonaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.

 

Qodobka 4aad

Waxa uu Xeerkan dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah Dowladda JFS.

 

MUQDISHO: 19/12/2015

 

 

Madaxweynaha J.F.S

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON