Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu xiriir toos ah kala sameeyay Ra’iisal wasaaraha India arrinta ku saabsan maxaaabiista Soomaalida.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sameyneyso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India dib dalka loogu soo celiyo.
Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran magaalada Mumbai ee gobolka Maharashtra ayaa arrintooda ay ahayd tan ugu weyn ee laga hadal hayay Soomaaliya, waxaana Xasan Sheekh uu si toos ah arintooda uu xiriiriyay Ra’iisal Wasaaraha India, Narendra Modi.
“Waxaan ku bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo safaaraddeena aan ku leenahay magaalada Delhi oo iyagoo kaashanaya qareenada u doodaya maxaabiista si fiican u gudagaley kiiska wiilashan xiran’’. ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu beeniyay warar la isla dhex maray oo ku saabsan in dil lagu xukumay maxaabisita qaarkeed. “Wararka beryahan ay isla dhex-marayeen qalabka warbaahinta ee ahaa inay jiraan in 50 Soomaali ah oo xukun dil ah lagu riday waa kuwo been abuur ah, dadka ayaana lagu jahwareerinayey. Sida ay safaaraddeena iyo qareenada inoo xaqiijiyeen dembiyada raggan Soomaalida ah lagu haysto kuma jirto wax ay ciqaab dil ah ku muteysan karaan. Waxaana rajeynayaa in dadaalada socda ay mar dhow mira dhali doonaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Goobjooge.com