Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ee dhowaan ay xilka ka qaadeen baarlamaanka maamulkaasi ayaa taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Qoraalkan ayaa la mida mid bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland, wuxuuna ku sheegay in xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka uu saameyn xun oo dhinaca amniga iyo ganacsiga ku yeelan karto Soomaaliya.
Cali Cosonle ayaa sheegay inaan dhex dhexaad laga noqon karin go’aanka ay qaateen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, isagoo ugu baaqay dowladda Federaalka inay dib u eegis ku sameyso go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, ayna taageerto Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Qoraalka kasoo baxay Cali C/llaahi Cosoble ayaa ah mid soo dib dhacay, isagoo arrintan ku baraarugay markii xilka laga qaaday, inkastoo uu weli sheeganayo inuu yahay madaxweynaha sharcig ah ee Hirshabeelle.
QORAALKA AKHRISO