Madaxweynihii maamulka Hirshabeelle ee xilka ka qaadeen Xildhibaanada maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta gaaray magaalad Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Cali Cabdullaahi Cosoble ay soo dhoweeyeen dad kooban isagoo weli sheeganaya inuu yahay madaxweynaha Hirshabeelle.
Waxaa loo galbiyay Xarunta maamulka gobolka Hiiraan oo odayaal iyo dadweyne ay ku sugayeen, waxaana lagu wadaa inuu la hadlo dadka gobolka Hiiraan.
Cali Cosoble ayaa ku biiraya olole lagu doonayo in gobolka Hiiraan looga dhawaaqo maamul cusub oo la baxay Hiiraanland, taasoo looga hordhacayo doorashada madaxweynaha Hirshabeelle ee dhowaan dhici doonta.