Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Socdaalka madaxweynaha oo dhowaan noqday xildhibaan ayaa la sheegay inuu yahay mid uu in muddo ah uga nasan doono arrimaha siyaasadda.
Warar ku dhow Madaxweynihii hore oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegaya in dhowr bilood uu ku maqnaan doono nasiino uu ku qaadanayo dalalka Tanzania iyo Turkiga oo ay degan yihiin qoysaskiisa, kuna hormari doona dalka Turkiga.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), wasiiro iyo xildhibaaano.
Waxaa la xaqiijiyay inuusan siyaasadda ka fariisan doonin iyadoo koox siyaasadeed oo tageersan ay ka mid yihiin labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa 4 sanadood iyo 4 bilood soo hayay xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana looga guuleystay doorasho lama filaan ahayd oo 8 Febraayo 2017 uu ku soo baxay Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Goobjooge.com