Friday, June 27, 2025

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Go’aanadii ka soo baxay Shirkii Baydhaba [Akhriso]

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey shirkii dhowaan lagu qabtay magaalada Baydhaba ee Golaha Amniga Qaran.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu sheegay inuu soo dhoweynayo shirkaasi, isagoo ku tilmaamay inuu yahay guul u soo hoyatay dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyey madaxda Soomaalida ee saxiixay heshiisyada ay isla meel dhigeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN XASAN SHEEKH

Dhawaan waxaa magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Amniga Qaranka. Waxaan leeyahay waa guul usoo hoyatay dowladnimada Soomaaliyeed heer kastaba.
Waxaan bogaadinayaa Mas’uuliyiinta ku heshiiyay ee saxiixay heshiiyada dhaxalgalka ah ee halkaas lagu saxiixay. Sidoo kale madaxda Waxaan ku dhiirrigelinayaa, waxa ay isla soo oggolaadeen iney ka gadaan hay’adaha iyo madaxda kale ee ay ku mataleen shirka si loo helo wadar-oggol waafaqsan xeerarka hadda jira iyadoo la sammeynayo ama la dhammeystirayo wixii dhimmaan xagga xeerarka si heshiisyadu u noqdaan kuwo dadka Soomaaliyeed iyo caalamka dalkeenna la macaamilayo ku kalsoonaan karaan.
Duruufaha dalkeennu ku sugan yahay maanta awgeed, wadar-oggolku waa muhiim ee ha la sii dhammeystiro. Guul iyo gobannimo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON