Friday, June 27, 2025

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Xaaladda Derbiga Kenya [Talo soo jeedin ku wajahan Farmaajo]

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuudayaa war kasoo saaray xaaladda ka taagan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya iyo dhibaatadda ka taagan Derbiga Kenya ka dhiseyo xuduudka.

Xildhibaan Xasan Sheekh oo qoraal soo dhibay bartiisa FB ayaa sheegay inuu madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya u soo jeedinayo inay gutaan mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta xuduudaha iyo hantida la burburiyey ee dadla Beled Xaawo.

HOOS KA AKHRISO FARRIIN XASAN SHEEKH

Waa wax dabiici ah in laba dal oo daris ah ay Marar badan dhex marto kala aragti duwanaansho la xiriirta qaddiyadaha qaarkood.

Arrinka baryahaan ka taagan Magaalada Balad Xaawo waa arrin u baahan degganaan iyo raacid shuruucda iyo dhaqamada caalamka ee soo jireenka ah ee la xiriira calaamadeynta xuduudaha. Waxayna ku habbooneyd in si wadajir ah ay labada dowladood uga wada shaqeeyaan ee askari Kenyaan ah oo Beebe wata iyo Gabar Soomaaliyeed ee dhagax tuureysa la isku daayo sax ma aha. Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta xuduudaha iyo hantida la burburiyay ee dadka reer Beled Xaawo. Xaajadu yaaney u ekaanin “GURBOOD GARRAMAYA WAXAY WAAYEEN WAAYEEL U GARRAMA” oo yaan carruurta iyo gabdhaha dhagaxa tuuraya loogu simin xaajada.

Dowladda Kenya waxaan leeyahay kala guurimeyno ee boogaha yaan la danqin iyadoo horaba ay u taagneed arrinkii badda yaan lagu sii darin mid kale oo darisnimada iyo duruufaha isbadbadalayo wax ha loo reebo.
Xaajadane ha la dejiyo oo guddi wada jir ah ha loo saaro wey mudan tahaye si qolo waliba u qanacdo maadaama arrinkaani leeyahay xasaasiyad leh taariikh soo Jireen ah. Si kastaba ha ahaate aamusnaanta dowladda Soomaaliya xal kuma jiro haba yaraatee.

Gabagabadii waxaan leeyahay “YAANNAAN NOQONIN DOQONTII U DAGAAL LA’AYD YAAN LAGAAGA DARIN”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON