Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin u soo diray xildhibaannada iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee khilaafka siyaasadeed soo dhex galay.
Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo diray ku soo bandhigay laba hab oo loo mari karo xalinta khilaafka jira, isagoo ka hadlay khibradiisa waayo-aragnimo ee mooshinadda.
HOOS KA AKHRISO FARRIINTA XASAN SHEEKH
Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha diwladda Soomaaliya. Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka.
Ma aha markii ugu horreysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama waaiirka kowaad ee xukuumadda. Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladdaad horay loo soo maray. Labada cashar waxay kala yihiin:
1. Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhammaan jiray kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo.
2. Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida.
Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hoggaanka dalka, laxa jeclo badanna ka hayso degganaantiisa waxaan soo jeedinayaa:
1. In la muujiyo dulqaad iyo tanasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursaddaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH.
2. Haddii ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo’e, waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanu taagneyn.
Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibaato la baajin karo.
Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas’uuliyaddii loo dhaartay ee halla qaato xikmadda ah – RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN.
Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga halla qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo