Wararka laga helayo magaalada Kaabul ee dalka Afghanistan ayaa sheegaya in Qarax weyn laga maqlay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Hamid Karzai ee magaaladaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhaliyey Madfac lagu soo riday Garoonka oo ku dhacay Guri ku dhow Garoonka magaalada Kaabul, waxaana guriga ka kacay holac iyo uuro cirka isku shareertay iyadoo la arkeyay dad shacab ah oo daminaya dab ka kacay Guriga.
Weerarkan cusub ayaa imaanaya iyadoo Mareykanka uu hore uga digay in weerarro argagxiso ay kusoo fool leeyihiin Garoonka iyo agagaarkiisa.
Waxaa lagu jiraa maalmihii iugu danbeeyay ee bixitaanka ciidamada Marfeykanka oo ku eg 31-ka Bishan Ogost 2021.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..


