Friday, July 11, 2025

Madixii Kookayaasha Villa Somalia oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose [Sawirro]

Doorashada xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta dhacday Muqdisho ayaa lagu doortay mas’uul ka tirsan madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxii Cunto-kariyeyaasha Villa Somalia Kooke Sare C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa ku guuleystay kursiga Beeshiisa ee Aqalka hoose.

Mudane C/raxmaan ayaa ku tartamayay kursiga beesha Habar Awal, Sacad Muse – Makahil, wuxuuna ku guuleystay codad dhan 36 sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada heer Federaal.

Doorashada mas’uulkan ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa sii kordhineysa xildhibaanada taageersan hogaanka madaxtooyada Soomaaliya.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON