Wednesday, June 25, 2025

Madixii Xiriirka uu qaaabilsanaa Madaxweyne Trump & Aqalka Cad oo is casilay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in madixii Aqalka Cad ee dalka Mareykanka u qaabilsanaa xiriirka uu is casilay.

Mike Dubke oo saddex bilood ka hor uu madaxweyne Donald Trump u magacaabay Madaxa Xiriirka warfaafinta ee Aqalka Cad ayaa xilkan iska casilay, sida ay sheegayan warar laga helay saraakiisha Aqalka Cad.

Wuxuu ahaa waaya-arag ku takhasusay istiraatiijiyada oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, waxaana xilkan sii heyn doona xoghayaha waraafinta Aqalka Cad Sean Spicer.

Aqalka Cad ee Mareykanka iyo madaxweyne Trump ayaa culeysyo badan kasoo wajaheen baaritaan lagu hayo xiriir dhex maray Ruushka iyo hab-dhaqanka Donald Trump.

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON